Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaaharaadyo looga horjeedo Mugabe oo ka socda Magaalada Harare iyo Qaybo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Harare_Dibadbaxyo_Sabti-1.jpg?resize=831Harare (PP) ─ Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo Robert Mogabe oo 37-sano xukumayya dalka Zimbabwe ayaa ka socda Magaalada xarunta ah ee Harare iyo qaybo ka mid ah guud ahaan Zimbabwe, iyadoo ay shacabku dalbanayeen in madaxweynuhu uu xilka ka dago.

Dadka bannaan-baxyadan dhigayay ayaa waxay  wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay Mugabe kaga dalbanayaan inuu xilka is-casilo si ay u helaan isbedel ka wanaagsan dowladdiisii.

“Shacabka Zimbabwe waxay doonayaan in Mugabe uu xilka ka dago – Xilka waa inuu ka dago Robert Mugabe – Waxaan doonaynaa isbedel ballaaran oo dalku uu galo – iyo erayo ayaa ku qornaa boorar ay wateen dibad-baxyaasha isugu soo baxay Harar iyo mgaalooyin kale oo dalkaas ka tirsan.

Bannaan-baxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli xisbiga Talad dalkaas haya ee ZANU-PF ay ka dalbadeen madaxweynaha muddada dheer xukumayay inuu ka dago xilka, iyadoo Mugabe uu codsigaas ku gacan-sayray, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay ciidamadu qaadan doonaan haddii Mugabe uu kasoo hor-jeedsto inuu xilka si nabad ah uga dago.

“Maanta waanu faraxsan-nahay, maanta waxay noola mid tahay innagoo u dabaal-dagayna xorriyaddeenna,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadkii dibadbaxyada dhigayay. Iyadoo dadka dibadbaxayay ay qaarkood u sheegeen warbaahinta in maanta u tahay maalin taariikhi ah.

Dibadbaxayaasha oo lasii hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in tani aysan ahayn oo keliya mid ay kaga soo horjeedaan Mugabe, balse ay la mid tahay sidii maalin aan horay u soo marin oo kale.

Ciidamada Millateriga Zimbabwe ayaa ilaalinaya dibadbaxayaasha, iyadoo madaxweynaha dalkaas uu ku sugan yahay aqalkiisa, waxaana goobtaas oo dhan ku sugan ciidammo badan oo aad u hubeysan.

Ugu dambeyn, ciidamada millateriga dalka Zimababwe ayaa Arbacadii lasoo dhaafay la wareegay qaar ka mid ah ha’yadaha xukuumadda, kuwaasoo uu ku jiro Telefishinka Qaranka dalkaas, halkaasoo ay saraakiisha ciidamadu kala hadleen shacabka.

Harare_Dibadbaxyo_Sabti-2.jpg?resize=836Harare_Dibadbaxyo_Sabti-3.jpg?resize=845Harare_Dibadbaxyo_Sabti-4.jpg?resize=840

PUNTLAND POST

The post Mudaaharaadyo looga horjeedo Mugabe oo ka socda Magaalada Harare iyo Qaybo kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this