Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Hariri oo Paris gaaray balse aan lagu soo dhoweyn.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii is-casilay ee dalka Lebanon Saad al-Hariri  iyo Xaaskiisa ayaa maanta gaaray magaalada Paris ee caasimadda France,waxaana la filayaa in uu halkaas kula kulmo madaxweyne Emmanuel Macron.

Ma jirin mas’uul ka tirsan xukuumadda France oo garoonka ku soo dhoweeyey Al-Hariri sidoo kale gawaarida lagu qaaday kama muuqan calamada labada dal,inkastoo safiirka Lebanon ee magaalada Paris uu garoonka ka soo dhoweeyey.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa horay u sheegay in uu Al-Hariri u Paris ku imaan doono magaca ra’iisul wasaaraha Lebanon,balse aanu noqon doonin magangelyo-doon siyaasadeed,sida uu hadalka u dhigay.

Al-Hariri ayaa ka hor intaanu ka duulin Saudi Arabia,wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in lagu xiray magaalada Riyadh,waxaana tegi taankiisa Paris ku soo aadayaa laba todobaad kadib markii uu is-casilay,isagoo ku sugan caasimadda Saudi Arabia ee Riyadh.

Xilligaas wuxuu eedayn kulul ujeediyey ururka Hezbollah iyo dowladda Iran oo uu sheegay  in ay af-duub ku haystaan dalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Al-Hariri oo Paris gaaray balse aan lagu soo dhoweyn. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this