Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa ayaa lagu qiyaasi karaa ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia ee baacsada Al-Qacidada al-Shabaab (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa qirtay in Somalia ay ka joogan ciidamo farabadan oo dhanka amaanka kala shaqeeya dowlada Federaalka ah ee Somlia.

Mareykanku waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay garab u yihiin dowlada Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Somalia.

Wasaaradda Gaashandhigga Maraykanka, ayaa daaha ka rogtay inay jiraan ciidamo kor u dhaafaya 500 askari oo Mareykan ah kuwaa oo ku sugan gudaha Somalia.

Warbaahinta Fox News ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay kordheen muddooyinkii ugu danbeeyay, halka markii hore ay ahaayen kuwo tirro yar oo aan kasoo bixi jirin goobaha ay ka howlgalaan.

Waxay noqonaysa mid kor u qaada tirada ciidamada Mareykanka ee Somalia tan iyo horraantii 2014, markaa oo qiyaastii labaataneeyo askari ay halkaa yimaadeen markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1993.

Saraakiisha ka howlgasha Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 28-weeraro cirka oo Maraykanku ay ka fuliyeen gudaha dalka sanadkan.

Weerarada oo intooda badan ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sida ay sheegayaan lala bartilmaameedsanayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee al-Shabaab.

Geesta kale, ciidamada Maraykanka waxa ay sidoo kale sameeyen weerarkii ugu horeeyay ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya bilowgii bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this