Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg:Madaxweynaha Somaliland oo haatan doorashadii war ka soo saaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay maagalada Hargeysa ayaa ammaanay sida ay u qabsoontay doorashadii Isniintii looga dareeray degaannada Somaliland oo uu ku tilmaamay mid adduun weynaha looga riyaaqay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jireen shakhsiyaad isku dayey in ay xumeeyaan sumcadda Somaliland,islamarkaana qalalaaso u rogaan doorashada,taasoo keentay buu yiri”rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa,Burco iyo Ceerigaabo”. Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku hanjabay in sharciga la horgeyn doono dadkii ka dambeeyey rabshadihii ka dhacay magaalooyinkaas oo uu sheegay in ay ku dhinteen laba ruux oo shacab a,kuna dhaawacmeen 20 ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa amar ku bixiyey inaan wax damaashaad ah iyo bannaan-baxyo la isugu soo bixi karin ,wuxuuna xisbiyada iyo taageerayaashooda uga digay in ay guul ku dhawaaqaan ilaa natiijada rasmiga ah laga shaacinayo.

warku wuu socdaa

The post Deg deg:Madaxweynaha Somaliland oo haatan doorashadii war ka soo saaray. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this