Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado galinkii dambe ka bilowday magaalada Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaasha Xisbiga Wadani ayaa galinkii dambe ee maanta rabshado ka sameeyey magaalada Burco , waxaana la maqlayaa rasaas ka dhacaysa gudaha magaalada.

Rabshadahaan oo kusoo beegmaya xilli maanta ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen wada shaqeyntii ka dhaxaysa Guddiga Doorashada Somaliland xubnihii wakiilka uga ahaa Xisbiga Wadani.

Muuqaal kooban oo laga soo duubay dad careysan ayaa muujinaya weerar taageerayaasha xisbigu ku qaadeen mid ka mid ah shirkaddaha daabacaadda oo la yiraaahdo Sagal Jet ka dib markii maanta xubnihii u hadlay Xisbiga Wadani sheegeen inay jirto shirkadd ka qeybqaadatey musuq maasuq ay ku eedeeyeen Guddiga Doorashada iyo Xukuumadda Somaliland.

Faahfaahin badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay Rabshadaha goor dambe oo galabta ka bilowday magaalada Burco.

Kala soco faahfaahinta PUNTLAND POST.

PUNTLAND POST

The post Rabshado galinkii dambe ka bilowday magaalada Burco appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this