Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo daah-furtay Barnaamijka Sahanka heerka Cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Maanta 16 November 2017 magaalada Garoowe ka daah-furtay Barnaamijka sahanka waxyeellada cudurka duumada sannadihii la soo dhaafay iyo tirada ilmaha ka yar shanta sano ee laga tallaalay cudurka.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiinta wasaaaradda  Caafimaadka Puntland,shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha UNICEF IYO WHO oo wasaaradda la shaqeeya.

Barnaamijkaan oo lagu sahaminayo natiijadii ka soo baxday waxqabadkii shantii sano ee la soo dhaafay laga sameeyey cudurka Duumada iyo saamayntii uu ku yeeshay bulshada ,ayaa laga fulin doonaa dhammaan degaannada Puntland,waxaana fulinaya kooxo taba-baran oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland oo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute.

Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan oo warbixin ka jeediyey furitaanka Barnaamijkaan,ayaa sheegay in sahamintaan lagu ogaanayo xogta ku saabsan cudurka Duumada ee shantii sano ee tegay,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo.

“Waxaa sahan lagu samaynayaa waxqabadka shantii sano ee la soo dhaafay ee cudurka Duumada,haddii ay noqoto dadkii la daaweeyey, iyo haddii ay noqoto kuwii la siiyey tallaalka,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo sidooo kale waxaa lagu ogaanayaa saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan bulshada”,ayuu yiri Cabdikariim.

5 kooxood oo ka socda Wasaaradda ayaa fulin doona barnaamjikaan,kuwaasoo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute,sida uu sheegay Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan oo daah-furay barnaamijka ayaa sheegay in ujeedka sahankaan yahay sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan heerka cudurka Duumada degaannada Puntland shantii sano ee la soo dhaafay iyo dadka laga tallaalay.

“Waxay farxad weyn noo ah Maanta wasaaaradda Caafimaadka in dib u eegis lagu sameeyo laba shaqo oo shaqooyinka ugu waaweyn ee wasaarradu qabto ah,labadaas shaqo oo kala ah xogta laga hayo cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay iyo qaybta kale oo ah intee ilmo ayaa tallaalku gaaray,taasoo macnaheedu yahay in tiimamkaani labadaas shaqo soo qaban doonaan haddii Ilaahay idmo“,ayuu yiri Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay in barnaamijkaan yahay qorshe loogu talo galay Soomaaliya oo dhan si loo ogaado heerka cudurka Duumada iyo tallaalka laga sameeyey,islamarkaana Puntland tahay meeshii ugu horreysay ee laga bilaabay guud ahaan Soomaaliya.

“Waa qorshe Soomaaliya oo dhan runtii loogu talo galay bal tallaal ka inta uu gaarsiisanyahay in la ogaado iyo heerka cudurka Duumadu ay Soomaaliya ka tahay in la ogaado.Puntland waa meeshii ugu horreysay ee laga qabanayo Soomaaliya”,ayuu yiri.

Kooxaha Caafimaad ee sahamintaan fulin doona ayaa la siinayaa taba-bar ku saabsan hannaanka sahaminta,kaasoo ay qaadan doonaan muddo saddex maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota,sida uu munaabadda ka sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan .

Sahamnintaan oo la qabto shantii sanaba mar,ayaa loogu talo galay in lagu qiimeeyo barnaamijyada Caafimaadka ee uu taageero Sanduuqa Caafimaadka Global Fund,kuwaasoo kala ah(Malaria,HIV AIDS iyo TB),si qiimeyn loogu sameeyo wixii qabsoomay,islamarkaana mudnaan gaar ah loo siiyo meelaha u nugul cudurka.

1.png?resize=600%2C3382.png?resize=600%2C3383.png?resize=600%2C338a-2.jpg?resize=600%2C337bb.jpg?resize=600%2C337c.jpg?resize=600%2C337dd.jpg?resize=600%2C337ee.jpg?resize=600%2C400ff.jpg?resize=600%2C337gg.jpg?resize=600%2C337h.jpg?resize=600%2C337ii.png?resize=600%2C338kk.png?resize=600%2C338m.jpg?resize=600%2C337n.png?resize=600%2C338p.png?resize=600%2C338vv.jpg?resize=600%2C450

The post Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo daah-furtay Barnaamijka Sahanka heerka Cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this