Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo banaanka uga baxay shirka golaha wasiirada iyo arrimo yaab leh oo la isku hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia uu ka furmay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii uu dib u dhac ku imaaday qorshihii ahaa in shirka lagu qabto magaalada Baydhabo.

Shirka maanta oo inbadan ka duwan shirarkii hore ayaa waxaa la xaqiijiyay in Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle uu isaga baxay shirka.

Wasiir Beyle ayaa la sheegay in shirka uu ka baxay muran dheer oo ay wada galeen Ra’isul wasaare Kheyre kadib, waxaana lasoo sheegayaa in muranka uu ka dhashay lacag.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dood ka keenay hanaanka lagu bixiyay lacago farabadan oo aan ku jirin qasnada dowlada, isla markaana gaarin gacanta shaqaalaha dowlada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lacagahaasi ay yihiin kuwo laga qaaday Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, taa oo maalmahaani ay labada mas’uul isku hayeen.

Sidoo kale, waxaa jira lacago la sheegay in lagu uruuriyay qaab gargaar oo ilaa iyo hadda aan la garaneynin halka ay martay, waana tan sababta u noqotay in Wasiir Maryan Qaasim ay iscasisho.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyr iyo Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa ku dhawaad Sodon daqiiqa murmay waxaana intaa kadib gabi ahaan shirka banaanka uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Mr Beyle.

Khilaafka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Beyle ayaa bilowday muddo Afar bil ka hor, balse waxa uu u muuqdaa mid hadda soo xoogeystay.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Shirka Golaha Wasiirada oo Saaka ilaa iyo Hadda socda ayaa sheegaya in Wasiir Beyle dib loogu celshay Shirka, waxaana weli socda dooda shirka.

Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay is casilaad ku dhawaaqday Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxa ayna iscasilaadeeda u cugsatay is bar bar yaaca ka jira shaqada Xukumadda.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in goordhow go’aan laga qaato muranka labada Mas’uul walow ay jiraan warar sheegaya in Wasiiro dhowr ah lagu helay Musuq-maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this