Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: Maxay tahay Caqabadaha hor taagan in la helo Garsoor ku dhisan Caddaalad?

Recommended Posts

Deeq A.   

Helidda Garsoor ku dhisan caddaalad loo wada siman yahay islamarkaana dhowra xaquuqda muwaadinka goob kasta iyo goor kasta oo la joogo ee ka yagleela Soomaaliya waa Baahida aasaasiga ah ee ugu weyn oo ay qabaan shacbiga soomaaliyeed ee looga fadhiyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, sidaa darteed Wadan aan lahayn hanaan hufan ee garsoor cadaaladeed ma gaari karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta, cadaalad darrido  ka jirta dalkeena waa sababta keentay burburka iyo is aamin la’aanta aafaysay Dhamaan adeegyadii Bulshada gaar ahaan caqabada garsoorka

In badan oo ka tirsan Madaxda Dalka ayaa mar waliba ku soo celceliya in ay Xooga Saari doonaan Garsoorka Dalka hase yeeshee haatan arrintaas ma muuqato oo waxaa moodaa in  masuuliyiintii ay hilmaameen wax ka qabashada Garsoorka dalka oo maraysa maanta meeshii ugu xumeyd, maxaa yeelay guud ahaan Dowladaha soo maray dalka oo ay ku jirto tan maanta, midna waxba kama qaban caddaalad darrada ka jirta garsoorka, taasina waxay ina dhaxalsiisay maanta in caddaalad darrada ka jirta garsoorka ay cirka isku shareerto kana sii darto.

Aqalkii Sare iyo Golaha Shacabka ayaa moodaa in ay hareer mareen sidii dhiddibada loogu aasi lahaa Garsoor ay ummada Soomaaliyeed aamini karto, waxaa laga filanaayay Baarlamaanka ka kooban labada aqal in ay ugu horeynba wax ka qabtaan Garsoorka dalka, hase yeeshee taas badel keeda waxay ku mashquuleen Mooshin iyo isqabqabsi aan waxba soo kordhineyn.

 

Waxaa hubaal ah marka la rabo in guri la dhiso ugu horeynba ay muhiim tahay in marka hore laga bilaabo Aas-Aaska, sidaas oo kale garsoorka waa aasaaska dib u yagleelida dowladnimo,haddii laga tago dhisidda garsoor hufan ee caddaaladeedna waa guri aan aasaas lahayn ama dawladnimo aan garsoor lahayn, sidaas darteed Baarlaamnka Soomaaliyeed ee wakiilka ka ah Shacabka waxaan u soo jeedinaynaa in ay sida ugu dhaqsida badan wax uga qabataan garsoorka iskana daayaan arrimaha kale ee ay ku muqshquulayaan oo aan ka tarjumayn danta shacabka, si loo helo dhameystirka tirar dowladnimo oo wax ku ool ah ee shacabka soomaaliyeed gaarsiisa dowlad caddaaladeed oo ku dhisan sharci.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen Nin Wadani ah oo Sumcad ku leh Bulshada Dhexdeedahase yeeshee maalmahaan dambe ku dhex milmey Siyaasiyiinta ku shaqeeya Qabiilka oo danaha guud ee Dalka ka hormariyey dantooda gaarka ah, waayo waxaa la sheegey in Dhowr jeer  uu Raiisul Wasaaraha damcay in uu wax ka qabto Garsoorka  hase yeeshee waxay dadka ay qabaan inuu hab qabyaaladeed ku isku hortaagey waxaa ku riixaya ay tahay Qabyaalad maadaama Bulshada Soomaaliyeed ka dheregsan tahay in garsoorkii dalka  Boqalkiiba Shgaashan  ay ka tirsan yihiin Hal Qabiil.

Madaxweynaha oo ah iIlaaliyaha dastuurka horayna u ballanqadey inuu muddo saddex bilood guddahood ah wax uga qabanayo Garsoorka dalka, hase yeeshee uu isagiina dhabarka u jeediyey Garsoorkii dalka oo bulshada Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabtey, waxaa intaas dheer in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka fa’aaiideysanaaya dhammaadka saddexdaas bilood ee uu qabsaday Madaxweynaha waxna ka qaban garsoorka, muddadaas oo ku aadaneyd 04/09/2017, ayuu Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle markey taariikhdu ahayd 05/09/2017 u sheegay warbaahin inuu shaqada ka fadhiisiyay 18 garsoorayaal,(oo uu horey uga fadhiisiyay sanadkii 2016), arrintaasna uu sheegay iney ka dambeyso ballanqaadkii Madaxweynaha, hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed beentaas ma mudna, beentaas waxaa daliil cad u ah warqadda tixraaceedu yahay MS/137/2017 ee 15/08/2017, kana soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kuna socotay Madaxweynaha, oo ujeeddadeedu ahayd Soo Jeedin, uu uga dalbanaayay Madaxweynaha inuu xilka ka qaado mushaarkana laga joojiyo 18kaas garsoor oo uu dhammaadkii sanadkii 2016 uu shaqada ka fadhiisiyay.

thumbnail_G2.jpg?resize=612%2C699thumbnail_G3.jpg?resize=540%2C693thumbnail_G4.jpg?resize=582%2C689

Shacabka Soomaaliyeed ma aha dad loo sheegi karo beentaa, waxaase dhammaantood la yaab ku noqotay inuusan waxna ka dhihin beentaas shacabkiisa loo sheegaayo laguna masabitay isla Madaxweynaha, aamusnaantaasna ay u qaateenba inuu isla Madaxweynuhu raali ka ahaa in shacabkiisa beentaas loo sheego si uu u daboolo ballanqaadkii saddexda bilood ee uu horay u sameeyay waxna uusan ka qaban ay halkaas ka daboosho, haddaba shacabka soomaaliyeed waa ka war hayaan iney xilligaas uu ballantaa qaaday Madaxweynaha in ay ka soo wareegtay muddo 7-da Bilood ah, oo ay ku mushquuleen Dagaalka Shabaabka, Amniga, Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada,  Kulamo, Xaflado, Tababaro, Banaanbaxyo, islamarkaasna la xisaabtanka shacabkana waa mid soo jeeda ee aan been loo maleegi karin.

Haddaba Dowlad kasta  oo Dalka ka dhalata waxaa uu fashilka ugu weyn uga yimaadaa Dhinaca garsoorka oo aysan wax ka qaban, sidaa darteed Waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsidda badan wax looga qabto Garsoorka dalka islamrkaan isbedel weyn uu ku sameeyo guud ahaan garsoorka dalka si loo helo garsoor caadil ah oo ka haqabtira Shacabka Soomaaliyeed caddaalad darrada  ka haysata garsoorka.

Rasiiul Wasaaraha dalka oo ah Madaxa Fulinta Dowlada wuxuu ku mashquuley arrimo aan loo baahneyn waayo waxa ay shacabka weli isha ku hayaan bal in uu Xukuumadiisa isbedel ku sameyso garsoorka dalka, hadii aan dib ugu laabano hadalo uu hore u jeediyey Raiisul Wasaaraha oo ahaa in uu wax ka qabanayo  Garsoorka dalka marka hadaladaas  sow lama dhihi karo kuwo afka Baarkii ah oo u eeg Qowda Maqashii  waxna ha u qaban , tan iyo markii la magacaabey waxuu kormeer ku sameysey Wasaaradaha iyo Hayadaha dowlada sidaa darteed waxaa isweydiin mudan muxuu u arki waayay ama u dareemi waayay Musuq iyo cadaaladaro tii ugun weyneyd ee ka jirta garsoorka, ileyn kormeerku ujeedadiisu waa inuu qiimeeyaa sida ay wax u jiraan,  sidaa darteed  Raiisul Wasaaraha waxaan u sheegeynaa kormeer waa halkiise, in Shacabka Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu ooman yihiin iney helaan garsoor Cadaaladeed oo hufan si loo badbaadiyo jiritaanka dowladnimo ee shacabka soomaaliyeed.

Mudane  Madaxweyne Waxaa Xaqiiqo ah in Garsoorka Dalka ay  Maanta Maamulayaan ama u badan yihiin Hal qabiil  oo sidey doonaan ka yeela waxaa  arkeysaa dacwado Dhow jeer la  Xukumey, Dad si xaqdaro ah Sannado lagu Xukumey iyo kuwa la iska toogtey oo aan la marin Baarintaan rasmi ah, sidaas darteed Mudane Madaxweyne Shacabka Soomaaliyeed waxay kuugu baaqayaan inaadan wax marmarsiyo ah kaaga bannaaneyn, oo aad uga qaban weysi Cadaaladarada baahsan ee  ka jirta garsoorka Dalka mise waxaa rabtaa in aad  Raacdo Dariiqii ay raaceen Madaxdii kaa horeysey kuwaa oo ku fashilmey in ay wax ka qabtaan garsoorka Dalka sidaa darteed haddii aadan Madaxweyne  deg deg wax uga qaban waxa ka taagan Garsoorka waxaa hubaal ah Shacabkii shaley ku doortey ay kalsoonida kaala laabanayaan waayo Shacabka waxay u ooman yihiin garsoor hufan oo caadil ah.

Shacabka Soomaaliyeed Waa Og Yihiin Muhimadda Garsoorka

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Dhawaan meel Fagaaro ah ka hadlayey ayaa waxaa uu Madaxweyne  kuu soo jeediyey in aad hakiso Xukunada ay  qaadaan Garsoorayaasha  dalka waayo dadka maanta ka shaqeeya waa dad aqoontooda aad u hooseeyo oo aan garaneyn habka baaritaanka kiisaska ama dambiyada Dalka ka dhaca sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha  iyo Madaxda kale ee dalka in ay deg deg wax uga qabtaan  Cadaalodarada ka jirta hayadaha Garsoorka dalka.sidoo kale Aqoonyahan Axmed Sh.Cali Buraale oo ah sharci yaqaan ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Garsoorka dalka waxaa uu yiri  “Waa dumay Garsoorkii iyo dalkii oo dhan, waxa uu u baahan yahay in la soo dhiso oo la nooleeyo, waxaana lagu soo celin karaa garsoor Daacad ah  iyo garsoore munaasab u ah aqoontii dadnimadii garsoornimo iyo hufnaantii oo xalaal miirad ah ayaa loo baahanyahay”. Waxaa uu Sii raaciyey Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, iyo Labada Aqal ee baarlamaanka u soo jeedinaynaa  in muhiimadda la siiyo hirgalinta nidaam cadaaladeed oo waafaqsan diinta Islaamka sida uu qeexayo Dastuurka kana dhaqan galo dalka oo idil si loo joojiyo Gabood falada iyo sidoo kale caddaalad darrida haraysay  Ummadda Soomaaliyeed..

Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  oo dhawaan ka hadlayey Kulan looga hadlayey Amniga Dalka ayaa waxaa uu Madaxweynaha si cad ugu sheegey in wax ka qabashada xasilloonida Dalka ay ka horeyso in marka hore dadka ay helaan cadaalad taas ayuu sheegey in dadka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin, sidaas darteed Madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa deeqa oo keliya waa iyadoo la helo Garsoor cadaalad ah,

GUNAANAD

Ugu dambeyn awoodaha Tiirarka Dowladda Soomaaliyeed, ma dhammeystirna, waxaana ka maqan tiirka aasaasiga u ah dowladnimada, taasoo ah Awoodda Seddexaad ee Garsoorka, waayo si dowladnimo loo helo waa iney wada taagnaadaan tiirarka seddexdaa woodood ee Dowladnimada, gaar ahaan Golayaasha sharci dejinta, Golaha Fulinta iyo Glaha Adeegga Garsoorka.

Waxaa xusid mudan in 30kii Juun,2014, la ansixiyey Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, oo Qod. 5aad, faqradda 3aad uu dhigayo in Xilalka iyo Awoodaha Golaha uu yahay in:

“lnta laga dhamaystirayo jagooyinka qaabka Garsoorka ee heerka Dawladda Federaalka, Garsoorayaasha iyo howlwadeennadahada xilka Garsoorka haya waxay ahaanayaan siihayayaalka hawlaha iyo xilka Garsoorka”.

Waxaa iyadoo sharcigu sidaa farayo la kala Diray Golaha Adeegga Garsoorka ee ay ahayd inuu sii jiro, sida ku cad Xeer Madaxweyne Lam. 08 ee 11/03/2015

Arrintaasi waxay keentay in si sharci darro lagu magcaabay, iyadoo loo cuskaday, soo jeedinta xubno aan dastuuri ahayn Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa sidoo kale sharcidarro lagu magacaabay Guddoomiye Maxkamad Sare markey taariikhdu ahayd  4tii Maajo 2016, iyadoo aan la dhisin Golihii Adeegga Federaalka, isla markaana ka soo horjeedda Qod. 5aad, faqradda 3aad sharciga Golaha Adeegga Federaalka,

Iyagoo sharci darro ku magcaaban, xubinna ka ahayn, Gole Adeeg garsoor, ayey noqdeen  sii-hayayaasha Guddoonka Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, siina magcaabeen Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyayaal, kuwo kalena ka joojiyeen shaqada ama mushaarka, waxaana suuragal noqotay in Garsoor aan madaxbanneyn uu Dalka ka shaqeeyo.

Haddaba ilaa iyo maanta oo ay ka soo wareegtay muddo dheer markii la kala diray Golaha Adeega Garsoorka ayaan la dhisin golahaas, sidaas waa lagama maarmaan in si degdeg ah lagu dhiso Golaha  Adeega Garsoorka oo ah tiirka aasaasiga u ah Dowladnimada

Halkaan ka Daawo sida Shacabka u soo dhaweeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Talaabooyinka la rabao in shacabka loo qabto waxaa nagu filan Heestii ahayd HALYEYGII LA DOORTOW FARMAAJO

Sh Cumar Xasan Gurey

E-Mail gure114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this