Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhulgariirka naadirka ah ee ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed Arbacadii waa mid kii labaad ee ugu awoodda badnaa ee dalkaas soo mara abid, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 5.4 ayaa galinkii dambe ku dhuftay magaalo xeebeedka Pohang ee ku taalla koonfurtaa-bari ee dalkaas, intaas ka dibna dhulka ayaa marar badan dhaqdhaqaaqay.

Ugu yaraan 57 ayaa ku dhaawacan tahay in kabadan 1,500 oo ruuxna hoy la’aan ayay noqdeen.
Tallaabo aan horray loo saadaalinina, wasaaradda waxbarashada ayaa dib u dhigtay imtixaankii qaran ee qorshaysnaa in ardayda laga qaado Khamiista.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warrantay in ay tahay markii koobaad ee arrin dabiici ah ay baajiso imtixaankan qaran ee ardayda iyo waalidka ay ku qaadato in ay u diyaargaroobaan billooyinka.

PUNTLAND POST

The post Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this