Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo qax ka ah Gobolka Shabellaha Hoose & Ciidamada DF oo bilaabay taatiko cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qax ay sameynayaan xaasaska iyo carruurta Horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha ay lasoo daristay cabsi dhanka amaanka ah, kadib markii ay ehel u noqdeen duqeymo iyo weerar dhulka ah oo ay qaadayaan ciidamada dowlada.

Horjoogayaasha intooda badan ayaa isaga baxay goobihii ay kula dhuumaaleysan jireen xaasaska iyo carruurta, waxaana lasoo sheegayaa inay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ka imaada degmada Afgooye ee soo gala magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la socda xaasas iyo carruur u muuqda inay u dhaxaan Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab kuwaa oo amaan kasoo raadiyay magaalada Muqdisho, maadaama dowlada Federaalka ay duulaan ku tahay Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale, ciidamada dowlada ee ku diyaarsan qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa bilaabay in dadka deegaanka ay ku wargaliyaan inay ka fogaadan goobaha xarunta u ah Alshabaab.

Ciidamo wata gaadiid iyo Makaroofano ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah Gobolka kuwaa oo ka digaaya in dadka shacabka ah ay waxyeelo kusoo ag gaarto Alshabaab.

Dhinaca kale, duulaanka ay ku goodisay dowlada ee u muuqda inuu dib dhac ku imaaday ayaa sababi kara in maleeshiyada Alshabaab ay fursad u helaan inay u baxsadaan deegaano kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this