Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ku Shiraya Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay ku shiraan  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waana shirkoodii Todobaadlaha ahaa.

Arbacadii shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo maantana magaaladaasi tagayaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo golahiisa wasiirada.

Kulanka maanta ee golaha wasiirada ku yeelanayaan magaalada Baydhabo waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan ammaanka guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

13-kii July ee 2017-ka, golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku shiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this