Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymaha Mareykanka oo kordhay & Tirada sanadkan dhacday oo cadadkeeda la sheegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraro hor leh oo muujineysa in la beegsanaayo falaagada al-Shabaab.

Waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen duqeyn hor leh oo lagu beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayen Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab kuwaa oo ku sugnaa Gobolka Shabellaha hoose oo Saldhig u ah argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaan lagu dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ay ku jireen Khubaro dhanka dagaalka iyo Qaraxyada.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa intaasi ku daray in 28 weerar cirka ah ay sanadkan 2017-ka fuliyeen gudaha Somalia taas oo ka dhigan in ay saddex jibbaareen weeraradii ay qaaden sanadkii hore ee 2016-ka.

Duqeyntii ugu danbeysay oo ka dhacday meel 96km ka xiga caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi galbeed, ayaa la xaqiijiyay in laga gaaray dantii laga lahaa, waxaana lagu dilay Saraakiil iyo maleeshiyaad Hubeysnaa oo ka tirsan al-Shabaab.

Dhinaca kale, Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa sheegay in lasii kordhin doono duqeymaha bilaha ka harsan sanadka aan ku jirno ee 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this