Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin shaacisay arrimo ay ku kaceen ciidamada DF ee Abgaal iyo Habar-Gidir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda Soomaliya inay ka qeyb galeen dagaal beeleedyo.

Warbixinata ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee beelaha Habar-Gidir ay ka qeyb-galeen dagaal beeleed dhex maray Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay sheegeen in dad badan lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay.

Beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir ayaa marar badan ku dagaalamay Marka, waxayna warbixintu sheegtay in xitaa mararka qaar ay dhacday in xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee beesha Habar-gidir ay isku dhinac noqdeen, ayaga ooh al beel ah.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal inay ka qeyb galeen dagaal beeleed ka dhan ah beesha Shiidle ee Jareer Weyne.

Waxay warbixintu sheegtay in illaa 5,000 oo qof oo Shiidle ah guryahooda laga bara kiciyey, halka qaarna guryahooda la gubay.

Waxay warbixintu xustay in beesha Abgaal oo ku xooggan gobolka Sh/Dhexe ay marar badan dagaal dhex mareen ayaga iyo beelaha Shiidle, oo laga tiro badan yahay.

Kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa marar badan lagu eedeeyey inay si aan daacad ahayn QM ugu gudbiso warbixino aan sax ahayn, si gaar ahna warbixinada badankood ay ugu beegsato dadka iyo siyaasiyiinta Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this