Sign in to follow this  
Deeq A.

Haddii aysan DF 3 arrin wax ka beddelin waxa ay dhex maquuran doontaa fashil amni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  –Waxaa dalka Somalia kusii kordhaaya weerarada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka geystaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u nugul dowladnimada.

Weerarada ugu badan ayaa waxaa geysta falaago ka tirsan argagixisada Somalia kuwaa oo doonaaya inay indhaha tiraan dadka daneeya dowladnimada ee qeybaha ka ah Ciidanka, Shaqaalaha dowlada iyo dadka taageera dowladnimada.

Dadka qaar ee ku xeeldheer arrimaha amniga ayaa qaba in fashilka amni ee heysta dowlada Federaalka uu yahay mid ku qotoma ilaa 3 Qodob oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay mushkilada ka jirta dalka.

Waxa ay khubaradaasi qabaan in dowlada Somalia aysan guul ka gaari karin dhanka amniga, haddii ay dhacdo in laga takhluusin waayo Seddexda qodob ee hortaagan in guul laga gaaro amniga guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ee dowlada ku haya qalqalka amni ayaa iyaguna ah kuwo ka faa’iideysanaaya dayacnaanta heysata dowlada waxa ayna kala yihiin:

1-Fashilka koowaad ee dowlada ka heysta dhanka amniga ayaa ah in Saraakiisha Hay’adaha amniga lagu xulo qaab qabiil, taa oo mamnuuc ka ah adduunka.

2-Saraakiisha ciidamada Amaanka oo mas’uuliyada saaran u fahmay inay ku imaaday awooda beesha uu kasoo jeedo, bacdamaa lagu xulay qaabk qabiil.

3-Ciidamada Amaanka oo ku dhisan qaab qabiil, waxaana xusid mudan in xiliga ay marayaan tababarka qabiil waliba laga soo xulo tirro gaara, waxa ayna taa fashilisay amniga.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka faa’iideysanaaya dayacnaanta Hay’adaha amaanka ee u muuqda inay yihiin kuwo ku dhisan qaab qabiil, taa oo caqabad ku noqotay in guul ka gaarista amniga.

Si kastaba ha ahaatee, amniga Somalia ayaa ku xiran in Hay’adaha amniga laga saaro nidaamka awood qeybsiga oo la orankaro inuu yahay mid indhaha riday Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this