Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin u badan Soomaali oo lagu xannibay xadka Giriiga iyo Macedonia.

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dalka Giriiga ayaa xuduudka ka xiray ilaa 200 muhaajiriin iyo magangelyo-doon ah,kuwaasoo doonayey in ay u gudbaan dhinaca dalka Macedonia,iyagoo rajaynaya in ayu safraan dalalka kale ee Yurub.

Booliiska ayaa gawaari ku hor gooyey muhajiriinta,waxayna u diideen in ay horay ugu socdaan dhinaca xadka Macedonia,laakiin dadkaan oo qaarkood wataa carrruur da’yar,ayaa waddooyinka fariistay,halkii ay dib ugu noqon lahaayeen waddanka Giriiga.

Muhaajiriinta oo u badan Soomaali ayaa sheegay in raadinayaan nolol fiican iyo waxbarasho carruurtooda ay geeyaan,taasoo ay ka heli karaan dalalka kale ee Yurub,,sida ay rumaysan yihiin,waxayna xukuumadda Giriiga ku eedeeyeen in ay muddo lix bilood ah ku haysay xeryo,islamarkaana ku fashilantay in ay qorshe fiican u samayso.

Tiro kamid ah Muhaajiriinta ayaa ka ka soo jeeda dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

In ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah iyo qaxooti oo markii ugu horeysay tegay dalka Giriiga ayaa weli ku sugan waddanka. Dalalka qaar ayaa xoojiyay xuduudooda si looga hortago in haajiriintu ay si sharci darro ah u yimaadaan, halka qaar kalena ay diideen in ay magangelyo siiyaan kuwii xadka ka soo gudbay.

PUNTLAND POST

The post Muhaajiriin u badan Soomaali oo lagu xannibay xadka Giriiga iyo Macedonia. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this