Sign in to follow this  
Deeq A.

Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dr Maryan Qaasim Axmed oo Aheyd wasiirka Gargaar iyo Maareeynta Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi ayaa si kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi isaga casishay.

Maryan Qaasim oo si kooban u la hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in xilkaasi isaga tagtay isbar baryaac xaga shaqada ah sida ay sheegtay.

” Aniga oo ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Waxaan Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in aan iska casilay wasiirnimada oo aan u hayay xukuumada aniga oo ilaaheey uga baryaaya xukuumada Booskeeyga Qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo in ay hesho” ayeey Tari Drs Maryan Qaasim Axmed

Mar ay sii kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi uga tagtay ayaa markale waxa ay Tiri Drs Maryan Qaasim ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo Aniga nidaamyo sidii looga shaqeeyo aan aqaanaa Waaxyo dhisan Ama wasaarad ha ahaato waa ka shaqeeyn karaa , laakiin shaqada markii ay is bar bar yaac tahay  wax walba isku qasanyihiin waxba kala baxsaneeyn macnaha wareer ayaa laga qaadaayaa”

ugu dambeeyntii waxa ay Drs Maryan Qaasim sheegtay in ay la shaqeeyn doonto Dowlada oo ayna mucaarad ku aheyn islamarkaasina iyada shaqsi ahaan ay ku adkaatay in ay dowlada la sii shaqeeyso.

is casilaadaan ayaa imaaneeyso xili dowlada Soomaaliya ay dhistay guddiyo kala duwan oo ay ku shaqo laheyd Drs Maryan Qaasim Axmed.

Hoos ka Dhageyso Codka Drs Maryan Qaasim

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Maryam-Qaasim.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this