Sign in to follow this  
Deeq A.

Xusuus qorkii Bin Laden oo laga helay sababtii uu u weeraray Mareykanka & Qorshooyin halis ah oo ku wajahnaa Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Waxaa weli socdo soo bandhigista sirihii laga helay Gurigii Usama Bin Laden ee sanadkii 2011 kadib markii ay halkaas weerareen Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Mareykanka oo ku guuleystay inay dilaan Hoggaamiyahaas muddo badan ku dhuumaleysanayey buuro ku yaalo dalka Afghanistan balse markii dambe usoo guuray Pakistan.

Hay’adda dembi baarista ee Mareykanka CIA (Central Intelligence Agency) ayaa markaan soo bandhigtay qeyb kale oo kamid ah sirihii laga helay gurigiisa.

Sirta markaan lasoo bandhigay ayaa aheyd waxyaabo ku qornaa Buugga Xusuus qorka Bin laden oo laga dhex arkay nuqul ka hadlayo sababtii keentay inuu Bin laden qaado weerarkii lagu laayey dad badan oo mareykanka u dhashay iyo kuwa kale oo dhacay Sanadkii 2001.

Waxaana C.I.A-da ay ku sheegeen in ay sababtu ahayd iyada oo AL-Qaacidda iyo hoggaamiyahooda Usamaba aysan u arkin Waddamada Carabta Ragga Madaxweynayaasha ka ah in ay yihiin kaligood taliyeyaal loo baahan yahay in xilka laga tuuro.

Si loogu sameeyo xil ka qaadista hoggaamiyayaasha Waddamada Carabta marka hore la dumiyo Dowladda Mareykanka maaddaama ay Dowladda Mareykanku tahay midda ilaalisa Hoggaamiyayaasha Carbeed sidoo kalena maal gelisa.

Al-Qaacidda waxaa ay rumeysneyd in hoggaamiyayaasha Carabta ay dhici doonaan marka Mareykanka uu weerarkaas ka dhaco kaddibna Al-Qaacidda mid mid u riddo Madaxweynayaasha Waddamada Carabta.

Siraha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qorshaha Al-Qaacidda ee Sucuudiga,Liibiya,Masar,Tunisia iyo Jordan,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

Marka hore in Dowladda Mucaamir Qadaafi ee Liibiya lala heshiiyo laguna gacansiiyo Gugii Carabta,si uu u oggolaado in Mujaahiddiinta gabaad ka helaan Liibiya,halkaaas oo ay ka weerari karaan Dalalka Masar iyo Tunisia.

Waxaa kale oo qorshaha ku jiray in ka hor inta aysan Al-qaacidda qabsan Dalka Sucuudiga marka hore la rido dowladda Jordan oo loo arkayay in ay muhiim tahay ridideeda si loo rido kaddib boqortooyada Sucuudiga.

Xusuus qorka Bin Laden ee CIA-du soo bandhigtay ayaa lagu xusay in Usama uusan ahayn Nin diinta aad u yaqaanna,sidoo lakalena ahayn aqoonyahan Islaami ah laakiin waxaa uu ahaa Ganacsade dhaqaale badan heystay,kaas oo markii uu ku jiray Dugsiga sare go’aansaday in uu jihaadka galo,kana guuleysto gaalada.

Dhinaca Dalka Yemen,Al-Qaacidda waxaa u qorsheyneyd in Cali Cabdalla Saalax la qaarijiyo dalka Yemenna laga hirgeliyo dowlad Islaami ah.

Sirahaan ay soo bandhigtay CID-da Mareykanka ayaa la hubin run ahaanshaheeda 100%, waxaana macquul ah in arrintaan laga leeyahay ujeedooyin gaar ah iyo in wadamada Carabta lagu baraarujiyo inay ka hor tagaan Al-Qaacidda.

Osama Bin Laden ayaa ka tagay Ururka Al-Qaacidda oo hadda awood ku leh adduunyada, inkastoo ay dhuumaaleysi ku jiraan, haddana weli laguma guuleysan in si rasmi ah loo baabi’iyo kooxdaan.

Al-Qaacidda ayaa dhawr koox oo xiriir la leh iyada ka sameysay wadamada Islaamka, waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya oo ay Al-Qaacidda ka abuurtay ururka Al-Shabaab oo dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxayna 14 October Magaalada Muqdisho ka sameysay qarax lagu dilay ku dhawaad 400 qof oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this