Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wasiir ka tirsan xukuumadda Somalia oo lacag baad ah weydiistay Shirkadda Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madax sare oo ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia uu shirkadda weydiisay lacag baad ah oo dhan nus milyan dollar ($500,000) intii ay socotay baarista Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe ka dhacay 14kii October.

Wasiirkaan ayaa shirkadda u sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan shirkadda Hormuud oo dhowr bilood ka hor damiintay gaarigii is qarxiyay inuu dusha u saari doono kiis Al Shabaabnimo ah hadii aaney ka bixin lacag nus milyan Dollar ah oo ay ragaasi kaga bad baadineyso Shabaabnimo.

Labaddan shaqsi oo wasiirka Amniga Somalia uu tiro labo jeer ah sheegay iney damiinteen gaarigii is qarxiyay ayaa hada ku jira gacanta Dowladda Somalia.

Hormuud waxey u sheegtay Dowladda Somalia in la baaro Ragga gaariga damiintay ee shaqalahooda ka tirsanaa lana marsiiyo cadaaladda oo hadii ay dambi lee yihiin la xakumo ,hadii aaney dambi laheyna lasii daayo waxaase la yaab ku noqotay madaxda Hormuud in mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda uu shirkadd weydiisyto lacag intii ay baaristu socotay.

Wasiirkaan oo heysta dhalashadda UK ayaa qaar ka mid saamileydda shirkadda Hormuud ee kunool Ingriiska waxey sheegeen iney dacwad ka gudbin doonan iyagoo sheegay iney hayaan codad cadeynaya lacagaha uu weydiistay iyo hanjabaadiisa, sidoo kale waxey sheegeen iney arintaan la wadaagi doonaan Ra’iisul wasaraha iyo madaxweynaha Somalia.

Waa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo lugaha la gala kiis fadeexad iyo musuq maasuq ah bil gudaheed mana jirto wali talaabo uu qaaday Mr Kheyre.

Dowladda ayaa xalay soo saartay warar is diidan oo la xiriira Qaraxii Zoobe iyadoo wasiirka amniga Isloow uu sheegay in la hayo 5 nin oo qaar ay Al Shabaab yihiin qaarna ay gaariga damiinteen halka wasiirka warfaafinta Yariisoow uu isna sheegay in 5ta ninba ay Al Shabaab yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this