Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka oo sanad kale ku daray qafiifinta cunaqabateynta hubka Somaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay hindisihii qeyb ahaan Soomaaliya looga qaaday Cunaqabateynta Soomaaliya.

11 ka mid ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 la gaarsiiyo qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya.

Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya.

4 ka mid ah 15ka dale e Golaha amaanka ayaa ka maqnaa kulanka waxaana ay kala ahaayeen China,Masar,Bolivia iyo Ruushka,iyada oo 11kii fahdiyay u codeeyeen muddo kordhinta.

Sidoo kale waxaa iyana ilaa 15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan.

Kooxdan SEMG, ayaa sanadkan baaritaannadooda diiradda ku saaraya waxyaabaha qarxa ee loo dhoofiyo Soomaaliya sida Kiimikada, Precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate iyo  sodium Chlorate, oo Goluhu tuhmayo in lagu fuliyay Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda dabagalka ayaa warbixin looga dhageystay kulanka waxaa ay ku sheegeen in baaritaankooda sanadkii la soo dhaafay ay ku waayeen in wax xiriir ah ka dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Dowladda Eritrea.

Warbixinta Golaha ammaanka ayey dowladd Eritrea uga codsadeen in kooxdan dabagalka u oggolaadaan in ay dalkaasi galaan islamarkaana sameeyaan baaritaan.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this