Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay Raashin dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dekada Muqdisho ku qabtay raashin dhacay oo dhaafay xadkii loogu talagalay.

Raashinkaan ayaa ku jiray baqaar ku yaala Dekada Magaalada Muqdisho halkaasi oo ganacsato ay keensadeen lana doonayay in lagaliyo gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo uu wehliyo kusimaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka soomaliya ee (NISA), g/sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa  tagay goobta raashinkaan lagu qabtay.

Wasiirka oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay raashinkaasi ay ku tuhunsanyihiin gacansato Soomaaliyeed baaritaanka kadibna warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan.

Tan iyo markii ay dhacday xukuumadii dalka Soomaaliya 1991 dalka Soomaaliya waxaa la soo galiyaa raashin dhacay.

23473089_1331905600270621_3366965854747323517655_1331905713603943_1320108343039223632289_1331905553603959_59762371613208

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

 

The post Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay Raashin dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this