Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kheyre oo ku wajahan mid kamid ah magaalooyinka ugu halista badan Somalia +Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu maanta socdaal kadis ah ku gaari doono degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hogaamin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, waxa ayna booqan doonaan Saldhigyo ay ciidamada dowlada kala wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona Xarumaha maamulka degmada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee halkaasi laga dhisay.

Waxa uu sidoo kale Kheyre booqan doonaa Xerooyin ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo diyaariyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay kasoo jabiyaan dhabarka, si Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo laabato gacanta dowlada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay la kulmi doona Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka oo halkaa iminka ku diyaarsan kuwaa oo ay kawada hadli doonaan duulaanka iyo sida ciidamada dowlada looga caawin lahaa la dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama ay halkaa daris la tahay Saldhigyada ugu waaweyn ee maleeshiyaadka Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this