Sign in to follow this  
Deeq A.

Somali Police Force introduces anonymous feedback boxes

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hirgaliyeen Sanaadiiq lagu aruurinyo cabashooyinka iyo talooyinka ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana uu tilmaamay in Sanaadiiqdan la kala dhigayo dhoor goobood, si ay dadka shacabka ah ugu ridaan cabashadooda iyo fariinta ay u sidaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa hoosta ka xariiqay in Sanaadiiqdani ay ka qeyb qaadan doonaan wada shaqeyn dhexmarta Shacabka iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasto oo khatar ah ammaanka Gobolkan Banaadir. Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixinayo, sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd ciidamada Booliska iyo shacabka, loogana hortagi lahaa falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

 

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

vlcsnap-2017-11-14-13h46m11s222-300x169.

 

vlcsnap-2017-11-14-13h46m22s77-300x169.p

 

vlcsnap-2017-11-14-13h46m34s198-300x169.

 

vlcsnap-2017-11-14-13h46m37s233-300x169.

 

 

Source: Shabelle Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this