Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: Mushaharka xubnaha Daacish ee Somalia iyo habka loogu kala sareeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareysiyo lala yeeshay dagaal yahanno hore oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday mushaharka la siiyo dagaalyahanada kooxda.

Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa warbixin ay soo saartay shaaca uga qaaday in dagaalyahanada aan guursan ee kooxda aysanba qaadan wax mushahar ah, halka kuwa guursaday la siiyo bishii 50 dollar.

Dagaalyahanada guursaday ee caruurta leh, ayaa sidoo kale canugiiba waxaa lagu siiyaa lacag u dhaxeysa 10 illaa 20 dollar oo dheeri ah, oo ku xiran da’da canuga.

Lacagtan ayaa shaaca ka qaadeysa in mushaharka kooxda Daacish ee Soomaaliya uu bishii dhan yahay lacag u dhaxeysa 3,000 illaa 9,000 oo dollar, ama 36,000 illaa 108,000 oo dollar sanadkii, marka laga reebo hogaamiyayaasha kooxda.

Warbixinta ayaa sheegtay in mushaharka sidan u hooseeya uu kooxda u suurta gelinayo inay maal-geliso weerarada ay ka fulineyso Soomaaliya, ayada oo isticmaaleysa miisaaniyad aad u hooseya, islamarkaana aan isku haleeneyn lacag dibedda kaga timaada.

Si kastaba, mushahar la’aanta dagaalyahannada darajada hooseeya, ayaa ka dhigeysa in kooxdan ay ka goostaan xubno badan, dhibaatadan oo sidoo kale ay wajaheyso kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this