Sign in to follow this  
Deeq A.

Q.M oo Ciidanka Kenya ku eedeysay in ay lacag ka qaataan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Weli waxaa dhexda kaga jirnaa inaan akhristayaasheena usoo gudbino qeybaha kala duwan ee warbixintii ay soo  saartay Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey .

Haddaba Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee ku jira howlgalka AMISOM in ay lacag ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha Gobolka Jubada hoose ee Soomaaliya.

Ciidamada ayaa lagu dhaliilayaa in ay ka hortagi waayeen in Al-shabaab ay lacag ka sameyso dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo ay horay u mamnuucday Qaramada Midoobey,taas beddelkeedana ay lacag ku leeyihiin dhuxusha la dhoofiyo.

Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay Jawaankii dhuxul ah ee ka dhoofaya Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo ee Jubada hoose ay ku leeyihiin $2 Doollar,taas oo marka la isku daro Ciidanka Kenya ay ka helaan lacago farabadan.

Sidoo kale Warbixinta waxaa ay xustay in Al-shabaab ay $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ay  sanadkiiba ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubada hoose ee ay iyaga ku suganyihiin.

Waxaa kale oo ay Guddigu sheegeen in Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubada hoose ay xubnaha Guddiga Qaramada Midoobey u diideen in ay baaritaan ka sameeyaan dekadaha Buurgaabo iyo Kismaayo,si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa dhoofka dhuxusha Soomaaliya ee inta badan loo dhoofiyo Waddamada Carabta.

Qaramada Midoobey ayaa 5 Sano ka hor mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaana joojinteeda u xil saaray Ciidamada AMISOM oo inta badan jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxaase warbixintu sheegeysaa in Ciidanka AMISOM iyo dowlad Goboleedyada qaar ay macaash ka sameeyaan dhuxusha halkii ay ahayd in ay dhoofinteeda ka hortagaan.

Warbixinta Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey ayey ku sheegeen in Al-shabaab ay hub iyo Gaadiid culus ka qaateen Saldhiggii Ciidanka Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada hoose,halkaas oo Hubkii laga qaaday sida ay sheegaan dhowr jeer loo adeegsaday Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Gobollada qaar.

Laanta baarista Federaalka Mareykanka ee FBI,ayaa sheegtay in Al-shabaab ay isku halleeyaan Hubka ay ka qaataan Saldhigyada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ee ay weerarrada ku qaadaan,halkaas oo ay sheegtay in hubka ay ka furtaan iyo mid kale oo ay gacmahooda ku sameeyeen ay u adeegsadaan qaraxyada khasaaraha badan geysta ee ka dhaca Soomaaliya.

Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa qeybo kale oo ka tirsan Warbixinta ay soo saartay  Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey oo taaban doonto mowduucyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this