Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee xal loogu heli kara amni darada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya waxay Soo martay colaado fara badan ,laga soo bilaabo 1990 kii kadib markii ay meesha ka baday dawladii dhexe ee military ga ahayd oo iyada lafteeda ay rideen dagaalo kaga yimi gobolada qaar.

xiligaas waxa laga joogaa 27 sano oo ilaa iyo hada xal buuxa looma helin nabadeynta dalka iyadoo hadba weji yeelanaysay sida ,Hogaamiye-kooxeedyo,Maxaakiim,Alshabaab, hadana ay Daacish soo ifbaxday.

Hadaba sidee dalka loo nabadeyn karaa

1) Dib u heshiisiin dhab ah:

sidaynu ognahay dagaalkii sokeeye wuxuu dhexmaray beelaha Soomaaliyeed ilaa reer reer jafi jafi wuu saameeyey sida darteed waa in laysa soo hor fadhiisiyaa cid alaale iyo cidii wax kala taba naysa looma dhameeya  hadii ay hanti kala haystaana loo kala Ceshaa.

2)Dhisida Ciidan qaran:

Dhisida Ciidan Qaran waa ugu mihiimsan iyadoo ciidan kaas laga keenayo 18 ka gobol ee Soomaaliya la iskuna la iskuna dhafayo ciidan kaas.

3)Hanuuninta Bulshada:

waa in Bulshada lagu hanuuniyaa wadaniyada, bulshada Soomaaliyeed 70% waa dhalinyaro kuwaas oo badan kood dhashay wixii ka danbeeyey 1990 kii mana fahansana wadaniyadu waxay tahay sidaa darteed waa lagama maar maan in la baro wadanitada.

4)Hub ka dhigista shacabka:

hubka dhigista shacabku tiir kale oo muhiimad u leh Nabada waxaa marag ma doonto ah in qaar ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii ay hub ku dhex wataan Magaalada Muqdisho , waa in hubka laga dhigaa dadkaas aan hore u sheegnay.

5)Ku wareejinta gacan dawlada Ciidamada ay dawladaha shisheeye tababarka siinayaan:

waxaad maalin walba maqashaa intaas oo askari ayaa waxa tabaabaray dawlada hebel, Ciidamadaas oo ka amar qaata dawladihii tababaray Sida kuwa Ethiopia ay tababarto oo mesha ay joogaan ay ciidamada Ethiopia ka baxaan iyana ka baxa.
Hada waxa jira kuwo Emirate ku tababareen oo ay mushahar siiso Safaarada Emirate ka ee Soomaaliya kana amar qaata. waana in la xadidaa ciidamaas shisheeyuhu tababarka tababarka tababarka siinayo..

W/Q: Mohamed Abdirizak Gaandi
 
email:mohamed.abdirizak17@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this