Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Il-dhaqaale oo ay Al-Shabaab ka hesho $10 milyan iyo Imaaraadka oo ah dalka ugu badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in dhoofka dhuxusha ee sharci-darrada ah ee Soomaaliya uu weli ka socdo koonfurta Soomaaliya.

Warbixinta oo sheegtay in dhuxusha badankeed laga dhoofiyo magaalada Kismaayo, ay kooxda Al-Shabaab canshuur badan ka qaadato, ayada oo jidgooyo dhigatay inta u dhaxeysa Buur Gaabo iyo Kismaayo.

Warbixinta waxa ay sheegtay in tani ay tahay il dhaqaale oo kooxda Al-Shabaab ay sanadkii ka hesho 10 milyan oo dollar.

Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay tahay halka ugu badan ee dhuxushan la geeyo, ayna xarun u tahay shabakado dambiileyaal ah oo ku xadgudba cunaqabateynta dhoofka dhuxusha Soomaaliya saaran.

Marka laga reebo dalka Kuwait, ayay sheegtay warbixinta, in fulinta joojinta dhoofka dhuxusha ay tahay mid aad u liidata, gaar ahaan maamulka Jubbaland, Amisom iyo dowladda Imaaraadka Carabta, oo ah tan ugu badan ee dhuxusha soo dhoofsata.

Shaac ka qaadista warbixintan ayaa si yaab leh u tilmaameysa in Imaaraadka si dadban u maal-gelinayaan kooxda Al-Shabaab, maadaama 10-ka milyan ee sanadkii dhuxusha ay ka hesho badankeed ay ka imaneyso Imaaraadka.

Warbixinta QM ayaa sheegtay in u hoggaansanaan la’aanta xayiraadda dhoofka dhuxusha Soomaaliya ay caqabad ku tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameyso xagjiriinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this