Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii milateriga ee lagu tuhunsanaa weerarkii Naasa Hablood 2 oo baxsaday kadib markii ay ciidamada DF weerareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cali Maxamed Jubbad waa Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo sheegay in uu ahaa Sarkaalkii qabtay kadib markii ay Gurigiisa galeen qaar ka mid ah raggii ka tirsanaa Shabaab ee 28,kii Bishii Octoper ee Sanadkaan weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 ee M/Muqdisho.

Sarkaan kaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Saakay ay soo weerareen gurgiisa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo doonayay isaga in ay qabtaan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay timid kadib markii Saddex ka mid ah ragii weeraray Hotelkaas uu si xeeladeysan uu u qabtay abaalgud looga dhigay in horay Caruurtiisa la xiro marna isaga Gurigiisa lagu soo weerarayo.

“Adeer Gurigeyga ayaa waxaa soo weeraray Ciidamo Nabad-Sugid iyo Booliis isugu jira xabad ayayna nagu soo bilaabeen balse waxa iska difaacay ilaaladeyda, dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay hadana ima qaban oo waan ka baxsaday waxan joogaa taliska xoogga dalka Soomaaliya”

mar uu ka hadlayey sababta keentay in lasoo weeraro ayuu yiri:

“Runtii waxkale maahan ee maxaad u qabatay ragaas ayaa hada ka hor Caruurteyda loo xiray hadana la igu soo weeraray marka arrintaan waxay u taalla madaxda dalka maamusha iyo Shacabka Sooamaaliyeed ayuu yiri  Cali Maxamed Jubbad.

Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo la sheegay inuu galay tuhun ku saabsan inuu ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa ka baxsaday gurigiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Cabdi Dubad ayaa sheegay inuu ka baxsaday guriga oo ay maanta ku weerareen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, markii uu dagaal dhex maray ilaaladiisa, wuxuuna sheegay in askari laga dilay mid kalena laga dhaawacay.

Kadib weerarka ciidamadu ku qaadeen guriga sarkaalkan oo ku yaalla dhabarka danbe ee Godka Jilacow ayaa waxaa dhacday inuu ka baxsado goobta, iyadoo uu saxaafadda u sheegay inuu hadda ku sugan yahay xero ay ciidamada ku leeyihiin degmada Hodon, iyadoo la filayo in ciidamo milateri oo qaab beeleed u abaabulan uu megangalyo ka helay.

Wuxuu ku doodayaa Cali Cabdi Dubad ayaa arrinta heysata ku eedeynaya kadib markii uu isagu qabtay xubno xubno ka tirsan Al-shabab kuna wareejiyay hay’adaha amaanka Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this