Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka horyimid in AMISOM ay ka baxdo Soomaaliya iyo sababta keentay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay kusii nagaadaan,islamarkaana aysan ka bixin , maadaama wali xaaladda amni ee Soomaaliya ay xun tahay.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ballaarin doonto howlgalka iyo taageerada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si loo ciribtiro Al-Shabaab.

Waxa ay sidoo kale dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay sii kordheyso khatarta Argagixisadda Soomaaliya hadda ka jirta.

“Ma taageerayno in ciidamada AMISOM ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordhayso, waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya illaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.” Ayuu yiri Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xiran tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.

Taliska AMISOM waxay iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Somalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.

Dhawaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo ah qaybta 2-aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo Socota.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in Xaaladda Ammaan ee Muqdisho ay tahay mid halis ah, waxaana shaqaalaheeda ay ku amartay in ay kasoo baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this