Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg :- Diyaarado Duqeeyay Duleedka Basra ee Gobolka Sh.dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarata Tuulada Mareerey oo Qiyaastii 6KM u jirta Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Goor dhow Diyaarado Dagaal ay duqeyeen Fariisomo Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaankaas.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Diyaaradaha ay Dhowr Gantaal ku dhufteen Saldhig Al-shabaabku ay ku leeyihiin Tuulada Mareerey,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Duqeynta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Saldhigga la Duqeeyay uu ahaa Saldhig Al-shabaab ay ka soo Abaabuli jireen Weerarada ka dhaca Gobolada Shabeelooyinka.

Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibada Dowladda Federaalka ka taageera Dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayaa Weeraro iyo Duqeymo intaba ka fuliyay Gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbada Dhexe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this