Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Dhaqdhaqaayo ciidan ka wada Deegaano ka tirsan gobalka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanaag[Puntland Post]-Wararka warbaahinta Puntland Post ay ka helayso Degmada Hadaaftimo oo ka tirasan gobalka sanaag  waxa shegaya in uu halkaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Puntland Iyo Maamulka Soomaliland .

Qaar kamid ah dadka Deegankasi oo la hadlaya warbaahinta Puntland Post waxa ay sheegen in dadka ay soo wajahday Cabsi weyn oo laga qabo dagaal toos ah oo ka dhex qarxa labada dhinac, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyada hadda ka socda gobalka Sanaag oo ay suuragal tahay in ay dagaal isku bedelaan.

Ciidamo ka tirsan Maamulka gobalada woqooyi ee Soomaaliland ayaa  doonaya inay Sanaadiiqda Doorashadda ay u soo hogaamiyaan, meel 30-KM u jirta degmada Badhan ee gobolka Sanaag sida warbaahinta Puntland Post ay wararka ku helayso .

Dhinaca kale wafti uu hogamainayo Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdullaahi Axmed Dawlad, ayaa xalay garaya degmada Badhan oo ka tirasan gobalka sanaag si ay uga hortagaan Sanadiiqada Doorashada ee ay Maamulka soomaliland.

Puntland iyo Soomaliland ayaa warbahainta isku marinaya hanjabaado kala duwan  Illaa iyo hadda lama saadaalin karo halka ay saldhigan doonto xaaladan, waxaana ay xaaladu maraysaa Soomaaliland oo doonaysa inay sanaadiiq Doorasho keento Sool, Sanaag iyo Cayn iyo Puntland oo Difaac kaga jirta.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli maalinta bari gobolada Soomaaliland looga dareeri doono caodeynta Doorashadda Soomaaliland.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Puntland oo Dhaqdhaqaayo ciidan ka wada Deegaano ka tirsan gobalka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this