Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Al-Shabaab oo baaniyay in Diyaarado dagaal ay Duqeymo ka fuliyeen Degmada Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda_Al-shabaab_Somalia.jpg?resize=836Muqdisho (PP) ─  Ururka Al-shabaab ayaa beeniyay warbixino ay baahisay Dowladda Federaalka Somalia , kaasoo ahaa in ciidamada dowladda Somalia iyo ciidammo caalami ah ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahayd degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Warbixin ay Al-shabaab ku baaisay barahooda Internet-ka ayay ku beenisay warka uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, iyagoo ku tilmaamay been-abuur lagu qarinayo guul-darrooyin Ciidamada Dowladda kasoo gaaray dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobollada Shabeelooyinka, sida ay hadalka u tiri Al-shabaab.

Sidoo kale, Afhayeenka howl-galada Kooxda Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in wax weerar ah uu ka dhacay Degmada jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay xilligan ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

“Waa been aan sal iyo raad toona lahayn wararka ay dowladda iyo kuwa ay saaxiibka la tahay ay bahiyeen oo ah inay xarumo ay Al-shabaab leeyihiin beegsadeen. Waxaana idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay Degmada Jilib iyo xitaa Jubadda Dhexe,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia, Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa hadal uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga ku sheegay in howl-gal ay toos u fuliyeen Ciidamada dowladda ay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobalka Jubadda Dhexe oo ah gobolka ay sida dhameystiran weli u haysato Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Mareyanka ayaa dhankooda sheegay inay duqeymmo oo ay ka fuliyeen gudaha Somalia toddobaad gudihiis ay ku dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisran, kuwasoo lagu weeraray deegaanno ay ku xooggan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Ururka Al-Shabaab oo baaniyay in Diyaarado dagaal ay Duqeymo ka fuliyeen Degmada Jilib appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this