Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ku dheggan in la soo magacaabo beddelka Sanbaloolshe iyi Saacid?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu ku mashquulsan yahay shakhsigii uu keeni lahaa booskii uu dhawaan baneeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe iyo Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliyeed, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xilalka laga xayuubiyay 29-kii bishii hore ee October, maalin ka dib weerarkii ay Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa si ku meel gaar ahi xilalkaasi ugu kala magacaabay Kuxigeenadii Saraakiishaasi. Booska uu baneeyay Sanbalooshe waxaa Kusime looga dhigay C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka General Mukhtaar Xuseen Afrax uu sii ahaan doono Kusimaha Taliyaha Booliska.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu ku kalsoon yahay in General Afrax uu ka soo bixi karo, haddiiba laga dhigo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed, balse caqabadda jirtaa ay tahay, isagoo aanay weli indhahiisu qaban ninkii uu ku bedeli lahaa Sanbaloolshe.

Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa Saraakiil hore uga yeeray dalalka dibadda, kuwaa oo maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay Magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyay hoteelo amnigoodu aad loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu wada tashi ku aadan, shakhsigii uu ku soo bedeli lahaa Sanbaloolshe, hadana waxaa la leeyahay xubnaha Muqdisho soo gaaray, midkoodna Madaxweynuhu lama dhacsana.

Illaa iyo hadda ma cadda xiliga lasoo magacaabayo beddelka Jeneral Saacid iyo Sanbaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this