Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo jawaab cad kasoo saartay hadalkii kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ee haa..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdishp (caasimadda Online) – Afhayeenka Alshabaab ayaa si degdeg u beeniyay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in 81 ka mida Alshabaab lagu dilay weerar ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Afhayeenka Howlgallada Alshabaab ee howlgallada C/casis Abuu Muscab ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warka dowladda Federaalka, isla markaana aanu wax weerar ahba ka dhicin degmada Jilib.

“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ay qarineyso guuldarrooyin milateri oo soo gaaray ciidamadeeda, una bareertay been qayaxan, isagoo sheegay in gobolka Jubadda Dhexe aanay wax weerarro ah ka dhicin.

Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta soo saaray war ku saabsan in warshada waxyaabaha qarxa lagu farsameeyo ee Alshabaab ku lahayd Jilib lagu dilay 81 maleeshiyo, laguna gubay gaadiid dagaal.

Halkaan hoose ka akhriso warbixintii kasoo baxday dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya: Waxaa la burburiyay xaruntii qaraxyada ee Al-Shabaab

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this