Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan arrain oo xasaasi ah oo ku jira warbixinta UN Monitoring ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aragtay warbixinta cusub ee kooxda cunaqabateynta hubka QM ee Somalia ee UN Monitoring Group ay ka diyaarisay dalka Soomaaliya, ayna dib u eegeyso waxyaabaha ku jira warbixintaas.

Qoraal kasoo baxay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa lagu sheegay in warbixinta ay ku jiraan arrimo ku saabsan Soomaaliya oo xasaasi ah, islamarkaana walaac abuuray, waxaana ka mid ah:

1 – Adeegsiga sunta kiimikada oo kooxda Al-Shabaab ay billowday inay miinooyinka ku darto

2 – Hub sharci darro ah oo Soomaaliya kusoo qul-qulaya

3 – Kooxda Daacish oo kusii baaheysa gobolka

4 – Dhoofka dhuxusha Soomaaliya oo weli si sharci darro ah u socda.

5 – Iyo kheyraadkii kalluunka Soomaaliya oo si sharci darro ah loo qaadanayo.

Si kastaba, wasiirka ayaa sheegay in warbixinta ay sidoo kale ku jiraan arrimo muujinaya guulo la gaaray sida isbeddelka habka maaliyadeed ee Soomaaliya, horumar laga sameeyey adeega dadweynaha, sharciyada baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey, iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ka sameynayaan ka hortagga argagixisada dalka.

Warbixinta ay aragtay dowladda Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa la filayaa in dhowaan ay kooxdan si rasmi ah u baahiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this