Sign in to follow this  
Deeq A.

7 Waxyaabood oo laga bartay hadalkii Shiikh Xasan Daahir Aweys

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan daawaday muuqaal uu soo duubay hogaamiye diimeedka dagaalama Shiikh Xasan Daahir Aweys kaas oo hadda xabsi guri ku ah Muqdisho, qodobadda muuqaalkiisa qofba si ayuu u fasiray laakiin anigu waxaan kusoo koobay 7-daan waxyaabood wixii laga baran karay hadalkii Ina Daahir Aweys.

1-Baaq iyo digniin ka socday Farmaajo

Xasan wuxuu ku cel celiyay inuu u duceynaayo Farmaajo iyo shacabka, wuxuu si aan gambasho laheyn u sheegay in loo baahan yahay inuu hogaankiisa ka dhigo mid Islaami ah, wuxuu qiray inuusan dagaalku dhamaan doonin ilaa laga helo Dowladd Islaami ah ayna dalka u dambeyn doonaan kuwa dagaalka wado ee raadinaaya Xukunka Islaamiga ah.

Wuxuu ku yiri “labadda nin ee ka adkaatay bal dib u eeg waa ilmo Shiikh waa Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed, laakiin markii ay xukunka qabteen ayey diintii ka cabsadeen iney wax ku maamulaan kadibna Alle ayaa garabkooda ka baxay, adna is jir yuusan Alle ka garabkaaga ka bixin.

2-Waqtiga uu hadlay Xasan Daahir

Hadalka Xasan Daahir wuxuu soo baxay iyadoo beeshiisa lagu eedeynaayo iney isku hor goysay inuu shaqeeyo taliska madaxweyne Farmaajo, wuxuu duray dadka Farmaajo ku hareereysan oo laga yaabo inuu ula jeedo Ra”iisul wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa, wuxuu yiri” dadkii wanaagsanaa ee wax kuu qaban karay banaanka ayey joogaan ee doono, kuwa hadda kula jooga adiga umbey wax ka rabaan ee waxba kuma tari karaan” qodobkaan wuxuu u muuqday inuu Xasan codkiisa ku biiranayo dadka qaba in isbadal lagu sameeyo xukuumada jirta.

3-Inuu Somaliland sii fogeynaayo

Xasan wuxuu amaanay qaabka uu Farmaajo uga hadlay arinta Somaliland ,laakiin wuxuu kaloo muujiyay in Somaliland aad loo dulmiyay, wuxuu hadalkiisu u muuqday mid dhahaya hala dhageysto Somaliland oo sidey rabto haloo sameeyo madaama qalad laga galay, hadii sidaas loo qaato waxa ay Somaliland rabto waxaa ugu weyn waa iney noqoto dal madaxbanaan.

4-Mowqifkiisa oo aan is badalin

Mr Aweys wuxuu sheegay inuusan u xirneen dambi gaar ah balse uu u xiran yahay qadiyadiisa ah in dalka lagu maamulo sharciga Islaamka, wuxuu sheegay inuu 1968dii bilaabay inuu raadiyo in dalka diinta Islaamka lagu xakumo wuxuuna yiri “Waxaan is bar bar dhigay inaan xor ahaado oo aan mowqifkeygii ka tanaasulo iyo inaan xirnaado oo go’aankeyga ku taagnaado, waxaan qaatay inaan mowqifkeyga ku taagnaado oo ah raadinta Dowlad Islaami ah.

5-Dagaalka Al Shabaab oo uu xalaal ka dhigay

 

Xasan Daahir wuxuu sheegay in isaga, Al Shabaab, Ahlu Sunnada goboladda dhexe iyo dhamaan culumadda Soomaaliyeed ay isku mowqif ka yihiin raadinta Dowladd Islaami ah oo ka dhalata Somalia, wuxuu madaxweyne Farmaajo ku qilaafay hadalkii ahaa “Al Shabaab Dowladd ma rabaan lamana yaqaano waxa ay u dagalamayaan” Ina Aweys wuxuu sheegay in Al Shabaab ay rabaan Dowladd laakiin ay rabaan Dowladd islaami ah, wuxuu fududeeyay dagaalkooda isagoo sheegay in hadii mar hub la qaato uu qalad dhici karo laakiin dagaalkoodu uu yahay iney xukunka la wareegaan, wuxuu ku baaqay in lala hadlo oo sida ay rabaan laga dhageysto madaama uu qabo inuu dagaalkoodu hadaf lee yahay.

6-Ciidanka Dowladda oo uu maskaxda ka badalay

Xasan wuxuu diray fariin toos ugu dhaceysa ciidanka Dowladda Somalia taas oo aheyd iney hubiyaan waxa ay u dagalamayaan, wuxuu sheegay inaan aaqiro waxba looga heli doonin dhul loo dagaalamo, wuxuu tusaale usoo qaatay hadal dhex maray 1977dii isaga iyo Jen.Maxamed Cali Samatar oo ahaa taliyihii xooga dalka, Xasan wuxuu yiri Cali Samatar waxaan ku iri “Ilaahey qoomiyadaha kalama jecla, ma jiro ilaahey xabashi neceb oo Soomaali jecel, qofka naftiisa iyo maalkiisa waxa uga muhiimsan maleh, maxaa abaal gud ah oo aaqiro u jira qofkii dhul u dhinta, Ilaahey wuxuu abaal marin u balan qaaday kuwa dhinta iyagoo ilaahey dartii u dagaalamaya” Hadalkaas wuxuu Xasan sheegay iney ciidankii ku raaceen lagana horyimid qorshihii uu watay Cali Samatar.

Qodobkaan wuxuu kusoo aaday xili ciidamadda Dowladda Somalia loo diyaariyay iney dagaalo qaadaan balse tani waxey shaki galin kartaa mowduuca dagaalkooda, ma aqaano ujeedada uu Mr Aweys kala ahaa arintaan.

7-Farmaajo iyo Xasan Dahir oo isku dhowaa 2011kii.

Xasan wuxuu yiri wax badan kaama aqaano Farmaajoow laakiin mar ayaan teleefoonka ka wada hadalnay 2011kii markii aad xilka ka dagtay, xiligaas Xasan wuxuu ahaa wadaad dagaalama oo duurka ku jiro, tuhun ayaa meeshaas ka dhalan kara, waxaa u baahan in la ogaado waxa ay wadaagi kareen labadda nin madaama uu Farmaajo xilka ka tagay Xasana uu dagaal kula jiray Dowladdii xiligaas jirtay.

Gunaanad

Qudbadda Xasan Daahir oo 40 daqiiqo soconeysay ayaa soo baxday xili dalku uu ku jiro xaalad xasaasi ah waxaana laga yaabaa in laga mudnaa in hogaamiye nuucaan ah loo ogolaado inuu hadlo waqtigaan oo kale waxaa kaloo macquul noqon kartay in hadalkiisa tafaftir Dowladeed lasoo marsiiyo madaama uu Dowladda maxbuus u yahay.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this