Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo weerar ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladiisa (Akhriso qoraalka)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalmahaani ay soo ifbaxayeen shaqsiyaad ku caanbaxay ka hor imaanshiyaha Siyaasada dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanu jirin saameyn ay shaqsiyaadkaasi mucaaradka ah ku yeelan doonin Siyaasada iyo horumarada ay sameyneyso dowladiisa, bacdamaa ay shacbiga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo garwaaqsaday Xasiloonida iyo ahmiyada ay leedahay Horumarka.

Farmaajo waxaa uu sheegay in dadkaasi ay doonayaan in ay dib u dhigaan dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee aysan dhici doonin taa.

Waxaa uu sheegay in xubnaha dowladda kasoo horjeedda ay doonayaan in tafaha ku dhaggaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin maadaama ay Umadda Soomaaliyeed doonayaan inay hiigsadaan Horumar, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay dadka mucaaradka ku ah dowladda in xilliggii Xasan Sheekh Maxamuud ay soo waceen ayna ka codsadeen in uu noqdo Mucaarad, hase ahaatee uu si bareera u diiday isagoo fiirinaaya dhibta ay ku jirto Somalia.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

”Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed”

”Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan”

Sidoo kale, dadka Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda, islamarkaana ay ka qeyb qaataan xaaladda dagaal ee dalka ku jiro.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo horjeedda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this