Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: 5 arrin oo sabab u ah qabsashada Al-Shabaab ee saldhigyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya weerarada ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku qabsanayaan Saldhigyada ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Gobolada dalka.

Weerarada ayaa noqonaaya kuwa soo laalaabta oo maleeshiyaadka ay ku qabsadaan Saldhigyada ay ciidamada ku leeyihiin Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe oo ay ka dhacaan weerarada ugu badan.

Weerarada soo laalaabta ayaa lagu sheegay inay sabab u yihiin 3 qodob oo kala ah:-

1-Ciidamada ka howlgala Saldhigyada Gobolada qaarkood oo aan mushaar qaadan muddo ku dhow laba sano.

2-Oraahdii aheyd askari baahan cadow kaama celsho oo dhaqan gashay.

3-Xiriirka ka dhexeeya Talisyada iyo ciidamada ka howlgala Saldhigyada oo aad u hooseeya, taa oo sababtay mooraal jabka ciidamada.

Waxyaabaha fududeeya soo laalaabashada weerarada ay maleeshiyaadka ku qabsadaan Saldhigyada ayaa waxaa kamid ah:-

1-Ciidamada oo u badan kuwa kasoo goostay al-Shabaab oo wada shaqeyn ay weli kala dhexeyso maleeshiyada.

2-Xuquuq la’aanta heysa ciidamada oo sabab u noqoneysa inay xiriir hoosaad la sameeyan maleeshiyaadka iyagoo inta uu weerarka socdo u baneeya Saldhigyada.

Saldhigyada ugu badan ee lagala wareego ciidamada dowlada ayaa ku yaala Gobolada Shabellaha Hoose iyo Dhexe oo lagala baxo Hub iyo Gaadiid.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan xooga saarin xuquuqda ciidamada ee ka howlgala Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this