Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey deegaanka Basra oo dagaal qaraar uu ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan degaanka Basra oo shalay gelinkii gelinkii dambe ay kula dagaalameen Dagaalyahano ka tirsan Uurka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar saf balaaran ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Basra, halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar.

Ciidamada Dowladda oo aad u hubeysan, watana Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala degaanka Basra, iyo meelo gaar ah oo ay u maleynayaan in ay soo mareen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Todobaadkan kala wareegeen ururka Al-shabaab, oo ku yaalla Shabeellooyinka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Degaanka Jabaluul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this