Sign in to follow this  
Deeq A.

Iclaaminta dagaalka Al-shabaab oo Khatar kale u keeni karta Amniga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka qeyb qataan, Ciidanka DFS kuwa AMISOM, Maamul Goboleedyada iyo xataa Shacabka Soomaaliyeed.

Gobollada Bakool iyo Hiiraan waxaa ka billowday durba Ciidamo iskood u abaabulan oo diyaar u ah in ay la dagaallamaan Al-shabaab, kuwaas oo aan ka amar qaadan DFS.

Ciidankaas oo tiro ahaan ka badan 300 oo Askari isla markaana ilaa hadda ah maleyshiyo aan cidna ka amar qaadan marka laga reebo Talis ay iyagu leeyihiin, waxaa ka dhalan karta halis kale oo dhanka Ammaanka ah.

Taliye ku xigeenka Ciidamadaas iskood isu Abaabulay oo la yiraahdo Cabdullaahi Cabdi Zabriye ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in ay halkooda ka billaabayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haba noqotee waxaa kuwaasi ay sababi karaan Amniga waxyeello soo gaarta, maaddaama aysan jirin cid ay Hoos tagaan.

Durbadiiba wuxuu sheegay in dhankooda ay diyaar garoobeen isla markaana ay howsha ugu horreysa ka billaabayaan in ay Isbaarooyinka Shabaab ka nadiifiyaan waddooyinka isku xira Hiiraan iyo Bakool.

Madaxweynaha ayey dadka siyaasadda Indhaha ku haya ku dhaliileen go’aanka uu ugu dhawaaqay in shacabku ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana taasi ay noqon kartaa halis Amni oo hor leh, maaddaama uusan jiri Karin iska warqab buuxa oo ciidanka Dowladda, Kuwa AMISOM iyo dadka iskood isu abaabulaya ee dagaalka isku dhanka ah kula jira Shabaab.

Khataraha ka dhalan kara waxaa ka mid ah, in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM aysan kala garan doonin Maleyshiyaadka iyaga Garabka siinaya iyo Al-shabaab oo ah cidda ay la dagaallamayaan, taas oo keeni karta in xataa malleyshiyadaas iyo ciidanka qaranku ay isku dhacaan.

Qorshaha shacabku uga qeyb qaadan karo dagaalka lama Caddeyn sida ay Ogaatay Xogdoonnews, haddii hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa in shacabku hubka qaataan waa Khatar Amni oo hor leh, haddiise uu ula jeeday in ay garab siiyaan ciidanka DFS iyagoo aan hubeysneyn waa in hubka laga dhigo malleyshiyaadka durbadiiba billaabay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taaso u baahan in laga fiirsado oo dib loo eego xaaladda Ammaan ee dalku geli karo marka ay shacabku hubka qaataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this