Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaf Dhuxulow oo bilaabay olole uu jufooyin kamid ah beesha Murusade uga saarayo Shaqaalaha Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole cusub oo shaqaalaha dowladda uga saarayo shaqaalanimo, isagoo garab maray sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya.

Mustaf Dhuxulow ayaa bilaabay olole uu laf kamid ah Beeshiis Murusade oo lagu magacaabo Saciid Abakar uga saarayo Liiska Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo boos kasta oo kamid ah boosaskaas uu ku badalayo shakhsiyaad kale oo kasoo jeedo Beeshiisa Habarceyn,gaar ahaan Orgaale.

Mustaf Dhuxulow ayaa asbuucii lasoo dhaafay Liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Maxamed (Gulfaan) kaasoo aan gelin wax dambe qaran oo uu ku muteystay inuu ku waayo shaqadiisa, maadaama uu Dastuurka Soomaaliya dhigayo inaan shaqaalaha rayidka laga saari karin liiska illaa lagu helo dambi qaran oo lasoo marsiiyey maxkamad.

Mustaf Dhuxulow oo garab ka helayo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa si sharci darro ah  shaqada uga ceeriyey Wariyahaas ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho, wuxuuna mar qura ka war helay waraaq laga dhigay albaabka hore ee Xafiiska Raadiyaha isagoo aan la siin wax degniin ah ama loo sheegin sababta uu shaqadiisa ku waayey.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Mustaf Dhuxulow la xiriirayo shaqaale kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kana soo jeedo Beeshiisa isagoo waydiisanayo lacag baad ah oo laga siiyo mushaaraadkooda, wuxuuna tallaabo shaqo joojin ah ka qaadayaa cid kasta oo diido baadaas aan la ogeyn marka ay sharci noqotay.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa si qaldan uga faa’ideysanayo awoodda dowladinimo, mana jirto xil uu dowladda Soomaaliya u hayo marka laga reebo xubinimadiisa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana is waydiin mudan xilka uu Dhuxulow ka hayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysay ee uu Mustaf Dhuxulow qaado tallaabo noocaan ah, waxaana horey loo xasuustaa inuu shaqada ka ceeriyey Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow oo kasoo jeedo Beesha Daguuro, wuxuuna Mustaf  Dhuxulow ka sheeqeeyey in booskaas loo magacaabo Cabdifataax Daahir Jeyte oo kasoo jeedo Beesha Habarceyne.

Cabdifataax Daahir Jeyte oo gudayo abaalkii  uu Mustaf Dhuxulow u galay ayaa Mustaf ka caawiyey in shaqada laga ceeriyo Wariyahaas ka tirsan Radio Muqdisho oo si sharci darro ah shaqada looga joojiyey.

Musftaf Dhuxulow oo garab taageero ka heysto Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu ku takrifalo awoodda dowladeed, isagoo liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray shakhsiyaad badan oo kasoo jeedo Saciid Abakar.

Mustaf Dhuxulow ayaa lasoo baxay dabeecado aan horey loogu aqoon,  lamana garanayo sababta ilaa hadda keentay inuu si gaar ah u ugaarsado beeshiisa.

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socdo kulamo waaweyn oo ay leeyihiin Odayaasha, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beesha Murusade, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo ka dhan ah ugaarsiga uu maalmihii dambe bilaabay Muftaf Dhuxulow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this