Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo ka dhacay deegaanka Basra & Khasaaro xoogan oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar culus galabta ku qaaday Saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaadka oo ku hubeysnaa Gaadiid iyo Hub culus ayaa Saldhiga weerar uga soo qaaday laba Jiho, waxa ayna iska caabin kala kulmeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa Saldhiga.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay ciidamada Saldhiga goor danbe ay heleen gurmad ciidan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay inuu arkay meydadka ku dhawaad Siddeed ruux oo labada dhinac isugu jira, halka dhaawacana uu gaaray 11 oo ay ku jireen dad shacab ah.

Ciidamada dowlada ayaa caawa deegaanka Basra kawada howlgalo lagu baadi-goobaayo Alshabaabkii weerarka ku qaaday Saldhiga, waxaana kacsan xaalada Basra.

Si kastaba ha ahaatee, degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Somalia ay todobaadkan kala wareegeen Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this