Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal lagu la’yahay Weerar Ciidanka Kenya 12 Askari looga dilay oo ka dhacay Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabasiti  (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay Boolisku ka baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan booliska oo la waayay Habeen hore.

Sarkaalka ayaa la sheegayaa in ugu war dambeysay dadkii la socday markii uu dhacay qarax Laba gaari Booliska looga gubay oo Mandera ka dhacay, waxaana Kenya ay qiratay in 12 ka mid ah Askartooda ay ku dhinteen weerar ay Al-shabaabku ku qaadeen Kolonyo Boolis ah oo marayay Mandera.

Tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo aan sidaas uga fogeyn Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay sarkaal sare oo Booliska u hadlay in ay marayeen 13 Askartooda Booliska ah oo weerarku qabsaday, 12-kii kale dhimashadooda ayuu xaqiijiyay halka uu sheegayo in la la’yahay Sarkaalka kale.

Sarkaalka la la’yahay ayaa markii ugu war dambeysay Booliska wuxuu sheegay in uu Xudduudda joogo oo uu dhuumaaleysi ku jiro, balse intaas keddib xiriirkiisa lama helin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasaimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this