Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: kulan xasaasi ah oo Muqdisho ku dhex maray Xaaf iyo odayaasha kasoo jeedo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug.

Kulankaas oo uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa looga wadahadlay xiisadaha ka jira Galmudug iyo sidii Xal looga gaari lahaa.

Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa odayaasha ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii maamulkaas loo gaarsiin lahaa horumar isla markaasna laga shaqeyn lahaa sidii Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa.

” Waxaan idinka codsanayaa inaad igala shaqeysaan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa Galmudug, markaasna waxaa noo fududaaneyso inaan xoreyno dhulka ay Shabaab naga heystaan” ayuu yiri Xaaf.

” Wixii hore ee dhacay xalay dhalay ayaan ka noqday, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan ka shaqeeyo nabadeynta dadka Galmudug kasoo jeedo” ayuu sii raaciyey.

Qaar ka tirsan odayaashii ka qeyb galay shirkaas ayaa sheegay in haddii la qaato talada madaxweyne Xaaf ay badbaadi doonaan dadka iyo deegaanada Galmudug.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada

23361193_1802447669805263_1251070203_n.j23416186_1802447593138604_1786375770_n.j23415927_1802447459805284_1782718086_n.j23318938_1802447426471954_41373207_n.jpg23416330_1802447296471967_1517643693_n.j23414533_1802447269805303_579656245_n.jp23415869_1802447233138640_1279378888_n.j23365126_1802447193138644_214746007_n.jp23416132_1802447086471988_1903779353_n.j23414384_1802446986471998_1161411742_n.j23414267_1802430383140325_1270481599_n.j23360950_1802430303140333_1876897903_n.j23361122_1802430103140353_1957629105_n.j23361170_1802430073140356_1785270674_n.j23377338_1802430023140361_1372488134_o.j

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this