Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo war cusub ka soo saartay ka bixitaanka Somalia kuna dhawaaqday…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Xalane ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha AMSIOM ka bixitaanka Soomaaliya, xaalada amni ee dalka iyo doorka AMISOM.

“Go’aanka waxaa qaatay Golaha QM, balse waxaa waajib nagu ah inaan jarno in ka badan 1,000 Askar dhamaadka sannadkan. Sidaa darteed, micnaheeda waxaa weeye inaan haysano Tiro fiican oo meel kasta u dhaqaaqi kara, Kuwaasi oo aan oggolaan doonin in la soo galo meelaha laga baxo , Waxaan doonaynaa inaan Dib-u-habayn ku samayno Ciiddankeenna si ay awood ugu yeeshaan inay ku hawlgalaan si wacan”

Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale ka hadlay howlgalka uu ku dhawaaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo waxa uuna sheegay in dhankooda ay howlgalkaas ka qeyb qaadan doonaan.

“Madaxweynaha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga guuleysto Alshabaab.  Madaxweynaha waxa inoo weydiiyey xilliga ay Ciiddanka AMISOM baxayaan, Madaxweynaha waxaa si cad uga go’an in laga guuleysto Alshabaab, Madaxasweynaha waxa uu samaynayaa waxa kasta oo uu awood sidii ay Ciiddankiisa ula dagaalamaan Alshabaab, Waxa uu qaaday Waddo dheer, si uu taageero uga helo Hoggaamiyayaasha Gobalka”

Ciiddanka Cusub ee Ethiopia, Sidee uga hawl-galayaan soo-gelitaanka Somalia?, Side ayey ku hawl-galayaan, Ma waxay hoos tagayaan Hawlgalka AMISOM, mise si gaar ah ayey u hoos tagayaan taliskiina?

Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya.

“Marka ugu horreyso waxaan doonayaa  ma Anagaa la wadaagtaan Ciiddanka Cusub aad ka hadlaysaan? Halkee ku aragteen iyaga ? Halkee ayaad ka hesheeen? Meeq weeye tiradooda ? Imisaa Ciiddan cusub ah?,Waxaan arrintan ka hadlay maalmo ka hor oo aan War Saxafaadeed ka soo saaray, waxaana sheegay inaad goor dhow arki doontaan Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka AMISOM ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira”

Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan.

Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo.

Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this