Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war culus maanta kasoo saartay doorashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland.

Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aamo mamnuucaya in doorashadda Somaliland ay soo gaarto degaanada maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah degaanada lagu muransan yahay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo markuu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadda laga doonaayo in ay ilaaliso xuduudaha maamulka Puntland.

Inka badan 30 xildhibaanada ayaa taageertay Go’aanka looga hortagaayo doorashadda Somaliland, Sida uu sheegay Gudoome Axmed Cali Xaashi.

Somaliland iyo Puntland ayaa muddo waxa ay ku mursanaayeen gacan ku haynta deegaano badan oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, oo midba uu sheeganayo in maamulkiisa uu ka tirsan yahay.

Maamulka Khaatumo ee gobolladaas ka dhisan, islamarkaana uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhowaan ku biiray maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this