Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiqda ciidamada Ethiopia ee la sheegay inay soo galeen Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la isla dhex marayey inay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamado badan oo ka socday dalka Itoobiya kuwaas oo duulaan ku ah Maleeshiyada Shabaab ee ku dhuumaaleesaneyso duurka Gobolada Soomaaliya.

Wararkaas ayaa ahaa kuwa si weyn isku soo tarayey,  waxaana Magaalada Luuq laga soo sheegay inay kasoo gudbeen ciidamo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed iyo qeybo kamid ah Jubblanad.

Haddaba Howlgalka AMISOM ayaa beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

AMISOM ayaa warkaas ku tilmaamtay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna lasoo abuuray.

wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Xalane ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya.

Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan.

Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo.

Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee la sheegay inay dalka soo galeen, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu dalkaas ka codsaday inay ka qeyb galaan Dagaalka la doonayo in lala galo Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Website ku hadlo Afka Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe qorayey inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka isla markaasna uu warkaas yahay mid been ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this