Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo Xaqiisay in Dhamaadka Sanaadkaan Ciidamadeeydu Ay ka Baxayaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Frensisco Madera  Safiirka Midoowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya oo Wariyaasha kula hadlay xarunta Xalane  ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Arimo kala duwan .

Frensisco Madera  waxa uu xaqiijiyay in Ciidamo Ka socdo AMISOM ay dhamaadka Bishaan ka bixi Doonaan Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah ay uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaasina ay dhamaatay howlgalkoodii.

Waxa uu ku hanjabay in inta aan la gaarin sanadkaan ay ciidamada AMISOM Al-Shabaab ka saari doonaan goobaha ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya.

Frensico Madera Ayaa sidoo kale Beeniyay in Ciidamo Cusub oo Itoobiya ka socdo ay Soo Galeen Gudaha Dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-AMISOM-Clip-ka-bixitaan-PP.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post AMISOM oo Xaqiisay in Dhamaadka Sanaadkaan Ciidamadeeydu Ay ka Baxayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this