Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Muqdisho oo sheegay Dowlada Somalia ay kordhisay Canshuuraha laga…

Recommended Posts

Deeq A.   

Dekadda-Muqdisho-9.jpg?resize=830%2C516
Muqdisho (PP) ─
Ganacsatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacagihii laga qaadi jiray, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Soomaailya.

Mar ay ganacsatadu la hadleen warbaahinta gudaha ayay sheegeen in 25% lagu kordhiyay canshuuraha laga qaado ganacsiyada dibadda laga keeno ee kasoo daga dekedda Muqdisho.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay lacagta lagu kordhiya bixiyaan, iyagoo sheegay in dhawaan ay si toos ah uga hadli doonaan go’aanka canshuur kordhinta ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia iyo waxa ay ka qabaan.

“Ganacsatada Muqdisho waxaa u socda kulammo gaar-gaar ah, waxaana doonayaa kulammadaas  kaddib inaan caddeyno mowqifkeenna arrintaan ku aaddan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Xamar.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imanaaysa iyadoo ganacatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmaan shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku haysa Dekedda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaan weli wax hadal kasoo saarin canshuur kordhinta la sheegay inay ku sameeyeen ganacsiyada lagala soo dego Dekedda caalamiga ah ee Xamar.

PUNTLAND POST

The post Ganacsatada Muqdisho oo sheegay Dowlada Somalia ay kordhisay Canshuuraha laga… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this