Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale: Casharka aan u dhigi doonno waxaa ku bur buri doona jiritaankooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa shaaca ka qaday in dowlada Somalia ay qaadi doonto talaabo lidi ku ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Wasiir Ducaale, waxa uu xaqiijiyay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku noolyihiin dhiiga bulshada Soomaaliyeed, balse ay dhawaan soo afjari doonaan magacooda.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Doxa ayaa ku nuux-nuuxsaday xili uu ka hadlaayay shir uu la qaatay madaxda dalkaasi in Somalia aysan kuwada noolaan doonin dowlada iyo Shabaab, balse cid un ay ka talin doonto.

Waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen shax ay Shabaabka uga saarayaan dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada ay ku leeyihiin Saldhigyada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, dowlada Doxa ayuu cadeeyay inay u istaagtay ka qeybqaadashada dagaalka ay dowlada Somalia la galeeyso maleeshiyaadka Alshabaab, balse ma uusan bidhaamin qaabka ay uga qeybqaadan doonaan.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta u diyaar garowga dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana xusid mudan in wafuud kala duwan loo diray dalalka ay Somalia saaxiibada la tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this