Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhawaaqday inaysan shaqo ku laheyn shirka Somalia Oil ee Nairobi, lana joojiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen ururka Caalamiga ah ee International Research Networks ayaa shir ku qaban rabo magaalada Nairobi ee Caasimadda kenya, waxaana shirkaas ka qeyb geli doono dowlado ay kamid tahay Soomaaliya.

Shirkaas oo mowduuciisu yahay Somalia Oil, Gas and Mining ayaa lagu wadaa inuu dhaco Bisha March ee 2018.

Ururkaas ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageero uga heystaan shirkaas isla markaasna ay ogtahay, waxayna soo bandhigeyn waraaq ay sheegeen inay kasoo baxday dowladda dhexe.

Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay waraaqdaas, waxayna ka dhawaajisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn shirkaas.

Wasaaradda macdanta iyo Biyaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba kala socon shirkaas isla markaasna aysan iyada aqoonsaneyn. Wasaaradda ayaa ku baaqday in shirkaasi la joojiyo.

Wasaaradda Badroolka iyo macdanta dowladda ayaa ururkaas ka codsatay inuu si deg deg ah uga laabto been abuurka ay ka sameeyeen dowladda, waxayna wasaaradaan ugu baaqday hey’adaha kale ee dowladda inay ka war qabaan inaysan wasaaradda wax aqoonsi ah siin shirkaas.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda wasaaradda kasoo baxday oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska

Page1.jpg?resize=696%2C983

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this